Loading...
Loading...
Your premier partner for international cargo, freight forwarding, and domestic shipping across East Africa and the globe.
Gabax Logistics waxaa loo aasaasay si ay u daboosho baahiyaha sii kordhaya ee ganacsiyada iyo shakhsiyaadka doonaya inay alaabo ka soo ridaan ama u soo diraan daafaha caalamka. Waxaan ku takhasusnay fududeynta rarista container-ada (Sea Freight) iyo xamuulka cirka (Air Freight) anagoo bixina adeegyo la isku halayn karo.
Waxa aan mar kasta ku dadaalnaa in macaamiisheena ay helaan adeeg hufan oo la hubo oo laga ilaaliyo dib-u-dhacyada ama khaladaadka garoomada iyo dekedaha. Laga soo bilaabo goobta alaabta laga qaadayo ilaa meesha la dhigayo, waxaan hubinaa in cargo-gaagu uu nabad qabo.
Waxaan u daryeelnaa cargo-gaaga si gaar ah. Iyadoo la adeegsanayo caymis dhab ah iyo xirmooyin xooggan si loo hubiyo inaysan waxyeello gaarin.
Shabakadayada isku xidha Shiinaha, Dubai, Turkiga, Yurub, iyo Afrikada Bari waxay kuu sahlaysaa inaad alaab kasta meel kasta ka keento.
Hawl-wadeenadayada ayaa diyaar u ah inay kaa caawiyaan kastamka (customs clearance) iyo waraaqaha rasmiga ah ee shixnadda.
Kulamada iyo wadahadalka shaqsi ahaaneed waxaan ku hubinaa inaan buuxino dhammaan baahiyahaaga gaarka ah ee logistics-ka.